U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo Kuwa Deegaanka oo Dib Howlgallo Uga Bilaabay Koonfurta Mudug

Ciidamada Xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa howlgallo baaxad leh dib uga bilaabay Koofurta gobolka Mudug, iyaga oo dagaal culus oo dhowr jaho ah ku qaaday dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow iyo Godad oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab muddooyinkii dabe.

Ciidamada huwanta ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen, kadib markii ay xogta ka heleen goob ay isku aruursaneysay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ay dooneysay inay weerarro kusoo qaadaan saldhigyada ciidanku ay ku leeyihiin aaga Shabeelloow oo dhowaan ciidanku ay hareereeyeen.

Saraakiil  u hadashay ciidanka ayaa sheegtay in dagaal  looga saaray godadkii ay ku sunaayeen xooggaga ka tirsan Al-shabaab, waxaana qeyb ka yihiin dagaallada ka dhanka ah kooxda ee ka socda deegaannada gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Xoogga, daraawiishta Galmudug iyo deegaanka.

Gobolka Mudug ayaa waxaa ciidanka huwanta ah ay ku guuleysteen in Al-shabaab laga saaro inta badan deegaannada gobolka, waxaana hadda socda howlgalkii ugu dambeeyay oo ay wadaan ciidan beelaha isbaheysiga sameystay oo taageero ka helaya xoogga dalka, daraawiishta iyo kuwa deegaanka.

Goobjoog News