U bood dhigaalka

Madaxweyne Madoobe oo Bogaadiyay Guulaha Dowladda Federaalka ah, Faahfaahinna Ka Bixiyay Fatahaadaha

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Dowlada Federaalka ah ku bogaadiyay guulaha ay ka gaartay in laga qaado cunaqabataynta hubka, ku biirista ururka bulshada bariga Afrika, iyo 13 bishaan lagu madlansan yahay in Soomaaliya deynta laga cafiyo isaga oo arrimahan kJ sheegay guulo usoo houday umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa mar uu soo qaadayay dhamaystirka dastuurka Federaalka ah waxaa uu xusay ahmiyad weyn ay leedahay in laga gudbo dastuurka qabyada ah isla markana go’aamada ay gaareen madasha wadatashiga ay rajo weyn ka qabaan in labada aqal ee Baarlamaanka ay meel mariyaan.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan fatahaadaha iyo daadadka ka jira Jubaland isagoo xusay in dad farabadan ay ku barakaceen fatahaadaha, burbur xoog lehna uu soo gaaray kaabayaasha bulshada gaar ahaan beeraha iyo xoolaha.

Madaxweynaha Jubbalnd oo hadallada kajeediyay daahfurka Kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Jubaland ayaa sidoo kale ka warbixiyay xaaladaha guud iyo dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay deegaannada Jubbaland ee daadadku ay ku rogmadeen.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimada uu kalfadhigan u leeyahay Dowlad goboleedka Jubaland iyo mudanayaasha golaha wakiilada oo ay horyaalan sharciyo ahmiyad weyn leh oo ay tahay in laga shaqeeyo Inta uu kalfadhigan socdo arrimaha hortabinta u leh dowladnimada.


Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay mudanayaasha golaha shaqada adag ee ay bulshada u hayaan iyagoo xooga saaraya ka mira dhalinta himilooyinka shacabka ree Jubaland, xilli inta badan deegaannada maamulka ay ku dhufteen daadad xooggan oo saameyay bulshada.