U bood dhigaalka

Saciid Deni oo Xeer Madaxweyne Puntland ugu Diray “Doorasho Dadban”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa xeer madaxweyne ku go’aamiyey; in dib loogu noqdo nidaamkii Doorashadu ku dhici jirtay ee hore.

Digreetada oo u qornayd in Madaxweynaha xeer Madaxweyne Lr 112 ee November 09 2008, xeer Madaxweyne 153 November 2013 iyo Xeer Madaxweyne Lr 189. November 2018, uu ku shaaciyay doorashada maamulka ay ku dhaceyso nidaamka qabaliga ku dhisan.

Xeerka madaxweynaha ayaa kusoo aaday xilli habeenimadii xalay Siciid Deni uu ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay doorasho qof iyo cod ah, taas qabsoomideeda ay dhalisay xasarado siyaasadeed oo gacan-kahadal isku bedelay isaga oo xusay in 8 january la qabanayo.

Go’aankan ayaa ka dhigan in Puntland lagu soo xulayo golaha sharci dajinta nidaamka 66 xildhibaan ee qabaliga ah.

Odeyaasha dhaqanka beelaha ayaa kasoo shaqeeyay heshiiskan ah in dib loogu laabto doorashada dadban, taasi oo dhalisay ismariwaa u dhaxeeyay madaxweyne Deni iyo mucaaradka, oo marar qaar dhaliyay gacan ka hadal geystay khasaare.

Mucaaradka ayaa ku adkeysanayay in Puntland aanay diyaar u ahayn doorasho qof iyo cod isla markaana lagu celiyo nidaamka ay ku socotay 25-kii sano ee lasoo dhaafay.