U bood dhigaalka

Maxamed Cabdi Waare oo Noqonaya Ku-xigeenka Xoghayaha Urur-goboleedka IGAD

Maxamed Cabdi Waare ayaa noqday Ku-xigeenka Xoghayaha Urur-goboleedka IGAD sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay SONNA ayaa magacaabista ku-xigeenka xoghayaha IGAD ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay, taas oo ka dhigan in siweyn ay u soo muuqanayso.

“Waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey dowladda Soomaaliya, magacaabistiisa ayaa waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Warfaafinta Daa’uud.

Maxamed Cabdi Waare oo horay u soo noqday Madaxweynaha Hirshabeelleiyo Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee arrimaha xasilinta ayaa laga filayaa in wax wayn ku soo kordhiyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya dalalka ku bahoobay IGAD, isagoo ka hoos shaqeyn doono xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu.