U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoomiyay Shikii 2-aad Ee Hannaanka Casriyeynta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay kulankii labaad ee Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta isbeddel muuqda oo saameeya hannaanka shaqo iyo waxqabad ee nidaamka dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Khubaro ka kala socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo 15 Wasaaradood kuwaa oo dhowaan u tagay dalka Malaysia barnaamijka casriyeynta dowladnimada iyo isbeddelka Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay geliyeen qorshahan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay tallaabooyinka xiga ee barnaamijka oo ku saabsan jiheynta shaqooyinka xukuumadda u yaalla kuwaa oo ku saleysan halbeegyo la cabiri karo iyo qiimeynta waxqabadkii Wasaaradaha ee 2022-2023.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale faray Golaha in laga shaqeeyo hababka cusub ee lagula soconayo waxqabadka wasaaradaha iyadoo la isticmaalayo mareeg danabaysan iyo furitaanka xarunta dhexe ee lagu curin doono barnaamijyada hortabinta u leh horumarinta Qaranka oo ay ka hawlgali doonaan Khubaro kala duwan oo dowladda ka tirsan.