U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Laga Cafiyay 4.5 Bilyan Deyn ah

Qoraal goordhow kasoo baxay hey’adaha lacagta adduunka sida Wold Bank iyo IMF.ayaa lagu sheegay in Soomaaliya laga cafiyay deyntii 4.5 Bilyan oo dollar.


Dowladda Soomaaliya ayaa muddo kooban xaqiijisay guushii sedexaad oo la gaaray, kadib markii lagu dhawaaqay in dowladda Soomaaliyeed laga cafiyay 4.5 Bilyan oo dollar, taas oo lagu madlansanaa in maanta lagu dhawaaqo, oo laga dhursugay go’aanka Wold Bank iyo IMF.


Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu usoo bilowday sanadkii 2016 Waxaana ay tallaabadaani ka dhigan tahay guushii 3aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabidihii ku horgudbanaa dowlad dhiska iyo iskufinaanta.


Deyn cafinta Soomaaliya ayaa imaanaysa Kaddib markii dhowaan dowladdu ku guuleystay in dalka laga qaado Cunaqabateyntii hubka ee saarneed 31 ka sano isla markaana ay xubin buuxda ka noqotay Soomaaliya Ururka iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika.