U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Amarro Kasoo Saartay Faafinta Faafinta Madhabka Shiicada

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saartay arrimo maalmihii dambe baraha bulshada si aad ah u qabsaday, kadib markii lagu arkay dad ku sugan Soomaaliya oo sheeganayo in ay yihiin kuwa Shiico ah oo aaminsan madhabka Raadidada oo muuqaallo iskasoo duubay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federalka Sheekh Saalax Shariif oo ka hadlaya ayaa sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin in dalka lagu faafiyo waxyaabo ka hor imanaaya diinta Suuban ee Islaamka, isaga oo shacabka baaq u diray.

“Waxaa mamnuuc ah, Soomaaliya ka mamnuuc ah, in lagu faafiyo fikir qaldan oo Raadi ah, waxaa Soomaaliya ka mamnuca ah in fikir Shiici ah lasoo galiyo, qof walba oo isku dayo dowladda Soomaaliya iyo Wasaaraddu waxaa ay ku qaban doonaan gacan adag” ayuu yiri.

Waxaa ay ahayd January 07, 2016 , markii dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jartay dalka Iran, kadib sii hayaha safiirka Iran ee Muqdisho iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran in ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahood ah.