U bood dhigaalka

Mudug: Taliska Xoogga Dalka oo Booqday Deegaanno laga saaray Shabaab

Taliyaha ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday deegaanka Shabeeloow iyo Miyiga hoos yimaada oo ka mid ahaa meelihii dhawaan laga saaray dhowaan dagaalamayaasha Shabaab.

Taliyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa la kulmay Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ee la wareegay Shabeeloow iyo saldhigyadii ay ku lahaayeen dhulka Miyigaa, ciidanka ayaa isku fidiyay dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya Caad iyo Shabeeloow.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay kaabiga ku haaya deegaanka Caad, oo la sheegay in Al-shabaab ay isaga baxeen, sida laga soo xigtay saraakiisha xoogga ee ku sugan Mudug, xilli ciidanka ay dhaqdhaqaaqo ka wadaan bariga gobolka Galgaduud iyo galbeedka Hiiraan.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka ayaa Al-shabaab ka xoreeyay deegaannada Shabeeloow iyo dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya deegaankaas iyo Caad oo lasoo sheegayo in ciidanka xoogga dalka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ay gacanta ku hayaan.


Howlgallada ciidanka oo maalmihii dambe hakad galay ayaa dib u bilowday, kadib markii ay dowladdu ay sheegtay inuu soo dhammaaday diyaargarowgii loogu jiray dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka, kaas oo laga fulinayo deegaannada dhaca Galmudug iyo Hirshabeelle