U bood dhigaalka

Shabeellada Dhexe: Shabaab oo lagala wareegay Degaanno Horleh

Ciidamada Xoogga dalka iyo deegaanka oo maalmahaan ku jira howlgallo culus ayaa shalay galab la wareegay deegaanno cusub oo horay ay u joogeen Al-shabaab, deegaannadaas ayaa hoos yimaada degmada Ruunnirgood ee Shabeellaha dhexe oo dhowaan ay ciidanku qabsadeen.

Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ee Xoogga Dalka ayaa howlgallo lagu guuleytay ka fulisay deegaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe oo marin muhiim u ah isku xirka gobollada Shabeellada dhexe iyo gobolka Galgaduu.

Howgalka inta uu socday ayay ciidanka ku qarxiyeen miinooyin ay sheegeen oo in Al-shabaab ay ku aaseen waddooyin ka baxa degmada Ruun-nirgood iyo deegaannada hoos yimaado, saraakiisha ciidanka hogggaaminaysa ayaa sheegay in howlgalka uu sii socon doono oo ay kusii jeedaan deegaanno dhaca Galgaduud.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanaka ayaa Burburiyay Difaacyaddii Al-Shabaab ee degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,waxayna kaabiga u saran yihiin deegaanka Masagawaa, iyaga oo haatan ku sugan deegaanka Mareey suuleey, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Xoogagga Deegaanka Gaashaanle sare Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Khaliif Cumar Macallim Nuur.

Dhinaca kale, koonfurta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo kale oo culus, ciidamada ayaa gudaha u galay deegaanka Shabeelow. Sidoo kale ciidamada ayaa maanta ka gudbay Shabeelow, iyagoo ku wajahan deegaanno muhiim ah oo Caad ay ku jirto iyo deeganno kale oo hoostaga magaalada Xarardheere.