U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Iscasilay

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa sheegay in uu iska Casilay Xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda uu kahayay xukuumadda DANQARAN ee hoggaamiyo Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.

Qoraal kooban oo uu Wasiirku ku daabacay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu iskacasilay xilkii wasiirka arrimaha dibadda, xilli muddooyinkii ugu dambeeyay siweyn loo warinayay inuu kamid noqonayo musharraxiinta madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.
“Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen”.

Iscasilaadda wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dowlad goboleedka Puntland lagu wado in ay ka dhacdo doorashada lagu madlansan yahay bilowga sanadka 2024, waxaana sidoo kale taagan xiisadda u dhaxeysa madaxweyne Deni iyo guddoonka Baarlamanaka.