U bood dhigaalka

Dowladda oo Shaacisay Qorshaha Ciidanka Difaaca Shacabka Kadib Dagaalka Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday qorshaha ciidanka deegaanka ay leeyihiin kadib dagaalka Shabaab, maadaama ciidanku ay muddo dheer ka barbar dagaalamayeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo kooxda ka saaray deegaanno badan oo dalka ah.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomalaiya oo su’aal laga weydiiyay ciidanka difaaca shacabka ama Macawisleyda ayaa sheegay in ay socdaan qorshe lagu diiwaangelinayo oo loogu biirinayo ciidanka xoogga dalka qeybihiisa kale duwan ama khiyaar fasax la siinayo.

“Diiwaan gelin ayaa hadda ku socota, markii dagaalku soo dhamaadana waxaa la siindoonaa sedex khiyaar, haddii ay shaqooyinkoodii caadiga ahaa ay ku laabanayaan, haddii ay ciidanka Booliiska dowlad goboleedka ay ku biirayaan iyo haddii ay kamid noqonayaan ciidanka xoogga dalka” ayuu yiri wasiirka.

Tan iyo sanadkii hore markii uu qarxay dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidanka xoogga dalka, waxaa kaalin muhiim ah ku lahaa ciidanka difaaca shacabka, kuwaas deegaanno badan kala wareegay Al-shabaab oo dhaca intii lagu guadjiray wajiga koowaad ee dagaalka Shabaab