U bood dhigaalka

Mudug: Deegaanno Hor Leh oo Al-shabaab Laga Saaray

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug oo taageero ka helaya kuwa difaaca shacabka ayaa la wareegay Deegaano dhaca Koonfurta gobolka Mudug kadib markii ay isaga baxeen Al-shabaabkii ku sugnaa sida wararku ay sheegayaan.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka, deegaanada saaka lala wareegay waxaa ka mid ah Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali xayloow oo dhamaan hoos yimaada gobolka Mudug, kadib maalmo ciidamada huwanta ay howlgallo ka wadeen Koonfurta Gobolka.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa taageeraya ay ku xoreynayaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug Al-shabaab, waxaana gabagabo maraya howlgallada deegaannada Galmudug marka la eego gaar ahaan gobolka Mudug.

Ciidanka dowladda iyo kuwa difaaca sahacabka ayaa saakay sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud, waxaana la filayaa in ciidanku gudaha ay u galaan deegaanka Masagawaa oo hoostaga degmada Ceeldheer bariga gobolka Galgaduud.