U bood dhigaalka

Madaxda Qaranka oo Tacsiyeysay Geerida Wasiir Khadiijo Diiriye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida kutimid Allah unaxariistee wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka oo ku geeriyootay maanta dalka Jabuuti oo ay ku sugneyd/

“Innaa Lillaahi waa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri qooraal kasoo baxay Villa Soomaaliya .

“Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka” ayaa lasii raaciyay/.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

‘’Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay ka mid ahayd ka qeygalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee Soomaaliya ay dowladnimadeeda ku soo ceshatey’’ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiraanyo leh u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Wasiir Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa marxuumad Khadiijo Diiriye Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.