U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ku Biirtay Midowga Ururrada (OACPS)

Dowlada Faderaal Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ugu biirtay wadamada qeyb uga noqday Heshiis Iskaashi Wadaag oo dhexmara xubnaha Ururka Africa, Caribbean iyo Wadamada Pacificga ee loo yaqaan (OACPS) iyo Midowga Yurub (EU).

Danjiraha JFS ee Dalalka Benelux iyo Midowga Yurub, Ambassador Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde) ayaa heshiiska ku biirasta Dawladaha ku saxiixay munaasabad ka dhacday Xarunta Ururka (OACPS) ee ku yaala magaalada Brussels.

Heshiiskan ayaa ku xusan in labada dhinac ay isaga kaashan doonaan Nabadda Iyo Amniga, Hurmanka Bulshada, Kobaca Dhaqaale, Xuquuqul Insaanka, Iyo Horumar Waara oo loo dhan yahay, Soomaaliya ayaa kusoo laabanaysa saaxada dunida.

Heshiiskan waxaa loo yaqaan “The Samoa Agreement” wuxuuna dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya (OACPS) iyo Midowga Yurub, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya 5.3 Bilyan laga cafiyay.