U bood dhigaalka

Wasiir Khadiijo Diiriye oo Jabuuti Ku Geeriyootay

Allaha u naxariistee Waxaa goor-dhow magaalada Djibouti ku geeriyootay Wasiirkii Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye.

Alle ha u naxariistee Wasiirada oo qeyb ka ahayd Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ee dalka jabuuti ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsaneysay sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen masuuliyiin qeyb ka ah Wafdiga.

Marxuumadda ayaa waxay muddo ka badan 20 sano kamid aheyd Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo wasaaraddo kala duwan ka soo noqotay wasiir.