U bood dhigaalka

Galgaduud: Ceeldheer iyo Deegaanno kale oo laga fuliyay Howlgallo ka dhan ah Shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashaanaya kuwa deeganka ayaa maanta howlgallo amnigaa lagu xaqiijinayo waxaa ay ka fuliyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, ciidanka aayaa wada qorshe miinooyinka looga saarayo degmada iyo wadooyinka ka baxa intaba.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax iyo khaliif Cumar Macalin Nuur ayaa xaqiijiyey in la sugay amniga guud ee degmada Ceeldheer, isaga oo tilmaamay in howlgallada ay sii socon doonaaan oo ay tagayaan deegaannaada kale.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sii wada howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee deegaannada Gobolka Galgaduud looga saarayo Al-shabaaab iyaga oo maalmihii ugu dambeeyay gaaray guulo waaweyn,kuwaas oo ay kulawareegeen deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Deegaannada Gaalmudug iyo Hirhabeelle waxaa ka bilowday dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaaab, waxaana dowladdu k dhawaaday in lasoo gabaagabeynayo bilowga sanadka cussub 2024, ciidanka ayaa maaalmihii daambe laa waareegay deegaaanobaaan