U bood dhigaalka

Meydka Marxuumad Wasiir Khadiijo Diiriye oo Muqdisho Laaga Soo Dejiyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuulin kale oo ka kooban Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti oo wada meydka Wasiiradii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XJFS Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa soo gaaray garoonkaa Aaadan Cadde.


Ra’iisul Wasaaraha oo shalay joojiyay dhammaan howlihii shaqo ee uu u joogay dalka Jabuuti kadib geerida naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Khadiija, ayaa magacaabay guddi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo maanta u sameynaya aas Qaran Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.


Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamsa ee waday meydka Wasiiradii hore, Waxaa garoonka Jabuuti ka soo sagootiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo xxubno ka socday dowladda Jabuuti, geerida marxuumaaddaa ayaa ahaa mid siweyn looga u saameeyay bulshada Soomaaliyeed iyo dowladda oo ay ka tirsaneyn geerida oo ka dis aheyd.