U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir oo ka Shiray dar-dargelinta Howlaha Degmooyinka iyo Qorshayaasha 2024

Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, kaasi oo loogu hadlay dar-dargelinta Howlaha Degmooyinka iyo Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo fooda leh ee 2024.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka warbixiyay isbedalka Amni ee ka jira G/Banaadir, asigoona Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada kula dar-daarmay xoojinta Amniga Caasimadda, la dagaalanka maandooriyaha iyo in la isku xero bulshada iyo laamaha Amniga si loogu hortago wax weliba oo liddi ku ah Amniga.

Ugu danbeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir in si wadajir ah loogu shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda, isla markaana la iskula xisaabtami doonno gaabis weliba oo ku yimaada adeegyada loo haayo bulsho Caasimadda.