U bood dhigaalka

Ciidamo Horleh oo Ka baxay Muqdisho si ay ugu Biiraan Dagaalka dhanka ah Shabaab

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa habeenimadii xalay laga sagootiyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku biiraya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, ciidankaan ayaa ku wajahan deegaanno dhaca Bariga gobolka Galgaduud oo ay ka socdaan howlgallo ay wadaan xoogga dalka.

Ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa maalmihii tagay la wareegay magaalooyin dhaca Bariga gobolka Galgaduud, ciidankaan cusub ayaa la filayaa in ay ku sugnaadaan deegaannadii laga saaray Al-shabaab, xoogga dalka ayaa qorsheynaya la wareegidda goobo hor leh.

Bariga gobolka Galgaduud ayaa maalmii dambe waxaa ka socday howlgallo ay ciidanka huwanta ah ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo muddo ay maamulayaan Al-shabaab, waxaana xusid mudan in madaxweyne Xasan uu dhowaan sheegay howlgallada lasoo afjarayo.

Ciidankaan ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay kusii siqayaan deegaanno dhaca gobolka Galgaduud oo ciidanku dhowr jiho ay howlgallo ka wadaan, xilli sidoo kale gobolka Mudug intiisa badan laga saaray Al-shabaab oo ciidanku la wareegay.