U bood dhigaalka

Somaliland iyo Itoobiya oo Kala Sixiixday Heshiis Dhanka Badda ah

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa magaalada Addis Ababa ku gaaray heshiis hadda ah.

Xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland Madaxweyne Muuse Biixi aya shaaciyay in heshiiska la gaaray uu ku qotomo heshiis Isfahan, kaas oo Somaliland ay badda ka siinayso meel ay degaan ciidanka Itoobiya.


“Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuu naga codsaday inaynu wada galno isfahan ah in ay badda ka helaan meel ay dagaan ciidankoodu” ayuu yiri Muuse Biixi. Sida aanu ku heshiinay ee ku qoran halkan in annaguna aanu u oggolaanno labaatan kilomitir oo badda ah iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan” ayaa lagu yiri.

Heshiiskaan ayaa imaanaya xilli sanadkii tagay dabayaaqadiisa Abey Axmed uu ku dhawaaqay in dalkiisa uu doonayo inuu helo bad, arrintaas ayaa siweyn looga hadalhaayey gayiga Soomaalida, heshiiskaan wali kama hadal dowladda federalka.

Ra’iisulwasaare Abey Axmed ayaa dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Farmaajo waxaa ay la gashay heshiis ku saabsanaa maalgashiga qeybo kamid ah dekadaha Soomaaliya, kaas oo aan la marsiinin Baarlamaankii 10-aad ee xilligaas joogay.

Dowladda Itoobiya ayaa dhowaan tababar usoo xirtay ciidamo ka tirsan kuwa badda, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono heshiiska badeed ee Somaliland ay la gashay Itoobiya, xilli Biixi iyo Xasan Sheekh Jabuuti ku kulmeen.