U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Shir Degdeg ah Ka Yeelanaya Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya aya shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada federalka Itoobiya iyo maamulka Somaliland oo ay siwadajir ah ay u saxiixeen Ra’iisullwasaare Abey Ahmed iyo Muuse Biixi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada isugu yeeray shir looga hadlayo heshiiskaan lagu sheegay in 20 Killomitir oo bad ah laga siiyo, halka ay dhankooda ay aqoosi dowladeed ay siiyaan Somaliland sida lagu sheegay bayan wadajir ah u soo baxay.

Dhowaan ayey aheyd markii heshiis uu garwadeen ka ahaa madaxweynenaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu heshiis Jabuuti kula gaaray madaxweynaha Somaliland, kaas oo dib loogu anbo qaadayo wadahadallada u dhaxeeya labada, kaas oo muddo hakad ku jiray, arrintaan ayaa hadalheyn dhalisay.