U bood dhigaalka

Midowga Yurub: Waa in la ixtiraamo Qarannimada Soomaaliya

Ururka Midowga Yurub ayaa qoraal uu goordhow soo saaray ku sheegay ahmiyadda in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

“Waxaa lagu war galinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo Dastuurka u yaala Soomaaliya, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxda Soomaalida oo uu ugu horreeeyo madaxweynaha ayaa wado dadaallada indhaha caalamka loogu soo jeedinayo gardarrada Itoobiya ee ay ku dooneyso dhul badeedka Soomaaliyeed.