U bood dhigaalka

Maxay Tahay Hadalka Xoghayaha fulinta ee IGAD oo Ka Careysiiyay Soomaaliya?.

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu oo u dhashay Ethopia ayaa walaac xooggan ka muujiyay isbedeladii ugu dambeeyay ee ku yimid xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya (DFS). IGAD waxay si dhow ula socotaa xaaladda waxayna aqoonsan tahay saamaynta ka dhalan karta xasillooni darro kusoo kororta gobolka, isagoo baaq diray.

“Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in gacanta lagu dhigo, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad lagu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD” ayuu yiri Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu .

“IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa xoghayaha oo ka hadlay arrinta badda ee u dhaxeysa dowladaha Ethopia iyo Soomaaliya, kadib heshiiskii ay wadagaleen Ra’iisulwasaare Abey Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee marinka badda Seylac.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markaas kadib soo saartay bayaan si adag uga soo horjeesatay hadalkii maanta kasoo yeeray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD, iyadoo u aragta mid u xaglinaya dowladda Ethiopia, kadib war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo looga dalbaday inuu raaligelin ka bixiyo hadalkaas, uuna ka qaado talaabada ku habboon

Dowlaha Itoobiya iyo Soomaaliya xiisaddoo ayaa siweyn u qabsatay caalamka xilli midowga Yurub u uku baaqay ilaalinta madaxbannaanida iyo gobonimada Soomaaliya, waxaana sidoo kale Ethopia baaq u diray dalalka sida dhow saaxiibka ula ah Soomaaliya, xilli Ururka Midowga Afrika uusan ka hadlin xiisadda kasoo dhex cusboonaatay dowladaha Ethopia iyo Soomaaliya eek u aadan muranka Badda Seylac.