U bood dhigaalka

Burco: Bannaanbax Lagu Diidan Yahay Heshiiska Badda ee Itoobiya iyo Somaliland

Kumannaan shacab ah oo ka careysan damaca dowladda Ethiopia ee Badda Soomaaliya ayaa màanta isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, kuwaas oo muujinayay diidmadooda heshiiskii Addis Ababa uu madaxweynaha Somaliland kula galay Ra’iisulwasaare Abiy Axmed.

Shacabka Burco ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Burco, kuwaas oo si weyn uga soo horjeystay damac gurracan ee Itoobiya ku dooneeyso badda soomaaliya, waxaana ay dhaliil xooggan u jeediyeen madaxweyne Muuse Biixi, Banaanbaxaan ayaa qeyb ka ah kuwa lagu diidan yahay heshiiska.


Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi,iyagoo sheegay in aysan aqbali doonin in taaka kamid ah dhulka iyo badda soomaaliya midnaba aan la siin karin Itoobiya, magaalada Burco ayaa kamid ah magaalooyinka sida weyn looga diiday Biixi.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay guud ahaan dalka dibadboxyo waa-weyn oo looga soo horjeeda heshiis benaadka Itoobiya ay la gashay Somaliland,waxaana shacabku mujiyeen sida aan marnaba loo aqbali karin ku xadgudubka qarannimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.