U bood dhigaalka

Madaxweyne Cabdiqaasim: Somaliland waa Gobol Kamid ah Soomaaliya, Mana Geli Karto Heshiis Caalami ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo wareysi uu bixiyay kaga hadlay xasaradda siyaadeed ee u dhaxeysa dowladda federlka Soomalaiya iyo dowladda Itoobiya ayaa sheegay in Somaliland dhul ahaan ay tahay gobol kamid ah Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Madaxwene Cabdiqaasim ayaa ku tlmaamay heshiiskaasi mid aan soconeyn oo loo qaaday waddo qaldan, xilli uu arrintaas ku micneeyay damac ay dowladda Itoobiya ku dooneyso biya Soomaaliya, waxaa uuna carabka ku dhuftay in Somaliland aysan gali Karin heshiis nuucaas ah oo ay dowladda federalku leedahay.

“Soomaaliland heshiis lama gali karo dal sida Ethiopia ah,tallaabadaasi ay qaadeenna waa waxba kama jiraan, cid aqoosan doonto majiraan, haddaba waa laga hadlay oo dowlado badan ayaa ka hadlaya , cid aqoonsanaysa iyo cid fahmi doontaana majiri doonto ”ayuu yiri Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxweynihii hore Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sidoo kale wux uu u mahadceliyay dowladaha ka hadlay damaca Itoobiya iyo sida ay u garab taagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isaga oo soo hadalqaaday dowlado dhowr ah oo isbarartaagay Dowladd sida Masat iyo kuwa kaleba.

“Jaamacadda Carabta maadaama ay kamid tahay Soomaaliya waa in ay go’aan ka gaarto oo arrintaas waxba kamajiraan inuu yahay go’aankaas uu noqdo, madaxweyne Sisi iyo dowladda Masar oo Walalaha nahay, waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay uga horyimaadeen” ayuu siiraaciyay hadalkiisi Cabdiqaasim.

Hadalka kasoo baxay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Itoobiya heshiis Isafgarad ah ay la gashay Somaliland ay ka hortimid dowladda federalka Soomaaliya oo Baarlamaankeeda uusoo saaray sharci waxkamajiraan looga dhigay heshiiska la gaaray.