U bood dhigaalka

Puntland: Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare oo iscasilay

Guddoomiye ku xigeenkii Maxkamadda sare ee Puntland Abuukaate Axmed Shiikh Cumar Xasan ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Maxkamadda sare ee Puntland, maalmo kadib markii dib loo doortay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Shiikh Cumar ayaa sidoo la sheegaya in uu safar ugu baxay magaalada Buuhoodle halkaas oo uu ka taliyo maamulka SSC-khaatumo kadib iscasilaadiisa, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta ku kaliftay inuu isaga tago xilkii uu ka hayey Puntland.


Abuukaate Axmed Shiikh ayaa bishii hore ee December cambaareyn kala kulmay talooyin sharci oo uu ka soo saaray go’aankii SSC ku sheegeen in aysan qayb ka ahayn doorashada Puntland, waxaana la saadaalin in arrintaas ay ku lug leedahay inuu ka tago shaqada.


Golaha sare iyo hoggaamiyaha Khaatuma ayaa hore u sheegay in aysan ku lug laheyn doorashada, taas oo deegaannada SSC ay ku matalaan 17 xildhibaan, isimada dhaqanka ayaa hore u sheegay in aysan ku Matalin Puntland, taas oo keentay khilaafka jira.

Iscasilaadda guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda saree e dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dhowaan doorasho muddo soo jiitamaysay ay ka dhacday Puntland, taas uu markii labaad ku guuleystay Madaxweyne Siciid Deni.