U bood dhigaalka

Doorashada Taiwan Kadib, Soomaaliya oo Taageertay Madaxbbaanida Shiinaha

Wasaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saartay, arimaha doorashadda jaziiradda Taiwan, wasaardda oo ka duuleeso doorashadii sabtidii ka dhacday jaziiradda Taiwan, ee lagu doortay Madaxweynaha Taiwan.

Warbixintan ayaa imaanayso xili shiinuhu ku hanjabay, inay muhiimtahay madax banaanidda dhuleed iyo wadda jirka umadeed inaan gorgortay laga gali Karin, sidoo kale doorashaddan ay keeni karta qolqolatooyin, ka curta gobalka, kadib markii wadama caalamka ah oo uu horkacaayo Mareykanka u hambalyeeyeen, wallow mar Madaxweynaha Mareykanka wax laga waydiiyay madaxbanaanidda Taiwan uu sheegay inayna taagerin madax banaanidooda.

Warsaxafadeedka wasaaradda oo ku qoraa afka ingiriiska ayaa lagu yiri: Somalia iyada oo ka duulaysa doorashadii dhawaan ka dhacday Taiwan, taasi oo warbahinta qabsatay, jamhiiriyadda fadaraalka Soomaaliya, waxa ay xaqiijineysaa go’aankeeda hagar la’aanta ah ee ku aaddan siyaasadda wada jirka wadanka Shiinaha, waxayna xoojineysaa mowqifkeeda joogtada ah, ee cad, iyo mabda’a ku dhisan wadda jirka dhulleed iyo umadeed ee Shiinaha .

Warsaxaafadeedka oo lagu baahiyay, mareegta gaar ka ah ee wasaaraddu ku leedahay, X , ayaa si guud waxa uu u tibaaxayay muhiimadda iyo miisaanka dhuleed ee chania iyo in ay aqoonsaseen somlia waddan ahaan jaziiradda isked madax banaanidda ugu dhawaaqday ee Taiwan.

Go’aanka ay qaadaytay dawladda fadaraalka ee Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa, xili todobaad kii horre, wadanka Shiinuhu si wayn utaageeray, madaxbanaanidda dhuleed, bileed iyo wadda jirka Soomaaliya oo ay muran galisay dowladda Itoobiya oo ku xadgudubtay, kadib heshiis ay la gaartay madaxweye Muuse Biixi Cabdi oo maamula gobollada Waqooyi ee Somaliland.