U bood dhigaalka

Taliyaha Xoogga dalka ayaa Kormeeray Xerada Turisom, Xilli xoogga Dalka ay Qaadayaan Howlgallo Ka Dhan ah Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dala Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho, halkaas oo ay tabarro ku qaataan ciidanka xoogga dalka oo ay gacanta ku hayso dowladda Turkiga oo qeyb ka dib u dhiska xoogga dalka.

Taliyaha oo kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha sare ee Taliska Turkisom ayaa kaga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay qayb weyn ka qaataan tayeynta iyo tababarada Ciidamada xoogga ee dagaalka kula jiro Al-shabaab oo laga saaray inta badan dalka.
“Saraakiisha Dugsiga tababarka CXDS Ee Turkisom waxaan kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed maadaama ay dhawdahay xiligii la soo afjari lahaa maleeshiyada Argagixisada Khawaarijta Ee dalkeena dhibaatada ka gaystay”Taliyaha Ciidanka Xoogga.

Taliyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay inuu kulamadu ku saambsanaayeen sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,si guud ahaan dalka looga xoreeyo Al-shabaab, waxaana booqshadiisa ay kusoo aadaysaa xilli ciidanku ay wadaan diyaargarow dagaalka ah.

Dowladda Turkiga ayaa xirada Turkisomk u tababarta ciidamada xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska iyo Booliiska sida gaarka u tababaran, waxaana dowladda Soomaaliya ay ka caawisaa sidii dib loogu dhisi lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo adag kawada dalka oo Al-shabaab looga saarayo.