U bood dhigaalka

Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka oo Taageeray Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya

Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhankooda taageeray qadyadda madxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kadib shirkii dalalka Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay qaabka fogaan aragga, shirkaan ayaa yimid kadib codsi ka yimid dowladda federalka.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sultan bin Saad Al Muraikhi iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almara oo shirka ka qeyb galay ayaa waxa ay sheegeen in ay aqoonsan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda.

Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa hadalka kasoo baxay waxa uu kusoo aadayaa iyadoo shirka Jaamacadda Carabta sibuuxda loogu taageeray dowladda Soomaaliya, waxaana laga horyimid damaca guran ee Itoobiya kadib heshiiskii 1-da bisha ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya iyo kahor Shirka maanta ee IGAD ee Kampala.