U bood dhigaalka

Pilot Diyaarad oo Kudhintay Diyaarad Ku dhacday Ceelbarde

Wararka naga soo gaarayo gobolka Bakool ayaa sheegaya Diyaarad gargaar siday ayaa goordhow ku dhacday garoonka diyaaradaha degmada Ceelbarde ee gobolka, taas oo uu ka dhashay khasaare.

Gudoomiyana degmadaasi ayaa Goobjoog u sheegay in Pilot-kii diyaarada waday uu shilkan ku dhintay, dadkii kale ee saarnaana ay bad qabaan, waxaana warar kale duwan ay kasoo baxayaan sababta keentay.

Sida sawirrada la qaaday ay muujinayaan diyaarada ayaa ku dhacday guri kudhow garoonka, iyadoo ay socdaan baaritaanada sida ay wax u dheceen, iyadoo garoomada qaar ee dalka aysan hagaasaneyn.