U bood dhigaalka

Qaahira: Madaxweyne Xasan oo Sheekha Azhar Al-shariif kala hadlay Dagaalka ka dhanka ah Argigixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah kujooga Masar ayaa booqday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira isaga oo la kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweynaha oo ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada ayaa ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si uu u soo arko horumka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada ayaa aqbalay casuumadda, waxa uuna si adag u cambaareeyey Faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib heshiiskii Is-afgaradka.

Madaxweynaha Soomaaliya booqashadiisa ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Jaamacadda Al-Azhar ay waxkabarataan arday Soomaaliyeed, kuwaas oo minxo waxbarsho oo heerka sare ah ka helay Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Masar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo marti-qaad ka helay hoggaamiyaha Masar ayaa lagu waxaa lagu wadaa inuu la qaato kulamo kale duwan, kuwaas oo intooda badan ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, xilli Soomaaliya ay raadinayso taageerada caalamka si ay kaga hortagto damaca dowladda Itoobiya