U bood dhigaalka

“ Waxaa Aniga Iga Maqan Wiil 18 jir oo Dugsi sare ka baxay” Hooyo Canab oo Goobjoog uga Warantay Oromo Puntland Dadka ka Tahriibisa”

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ay Oromo iyo dad Soomaali ah ka wadaan tahriibin, halka sidoo kale ay jiraan dad Oroma ah oo si xowli ah usoo galaya Puntland, iyadoo xustay in wiilkeeda uu kamid yahay dadka laga tahriibiyay Waqooyiga Gaalkacyo.

Hooyo Canab Axmed Jaamac oo ku nool Waqooyiga Magaalagada Galgacyo ayaa waxaa ay ka mid tahay waalidiinta caruurtoodu ay ka maqan yihiin waxaana ay Goobjoog News u sheegtay in si is daba joog ah caruurta looga qaado Gaalkacyo badalkoodana la keeno dad Ethopian ah, kuwaas oo u badan Oromo.

“30-kii Caruur ah oo baxda waxa soo galaya 30 Ethopian ah ayaa soo xaroonaya, markii ay yimaadaan Golis baa la tagayaa dadkii Muqalasiinta ahaa ayaa waxa ay Taleefannada ugu qorayaan Faadumo Cabdi Jaamac, Nin Kirishtan ah ayaa waxa uu wataa Kaar nin Soomaali oo Ashahaata uu qoran yahay’ ayey tiri.

Maama Canab oo hadalkeeda siiwadato ayaa waxaa ay Inoo sheegtay in Maamulka goboledka Puntland iyo Laamaha amaanka ay cabashadooda u gudbiyeen hase yeesheen aysan jirin cid ilaa hadda jawaab ka siisay, waxaana ay xustay maamulka uu yimaado kaliya marka uu doonayo canshuurta dadka laga qaado.

“Dowladda Puntland waanu u cabanay waana ogyihiin, iyagaa afaarahoodu ku mashquulsan, annaga markii ay canshuur u baahdaan ayey Canshuur noosoo doontaan,halkaa hadduu marayo maqabanayaan mana kala jeclo, Gaalkacyo iyo gobollada Puntland dhallinyaradii ayaa laga gurayaa’ ayey sii raacisay.

Sidoo kale waxa ay carabka ku dhufatay inuu Canab ahaan uu ka maqan yahay wiil 18 sano jir ah dugsi sare hadda ka baxay oo ay xustay in xaalad adag ay kusoo waxbartay, dadka Tahriibka ka shaqeynayo ayey ku sheegtay in ay yihiin Ethopian iyo Soomaali, kuwaas oo dhallinta raraya kuwa kalena keenaya.

“Waxa Aniga iga maqan Wiil 18 jir oo dugsi sare ka baxay, saan wax ku barayna Illaahey ogyahay, waxa uu tagay habeen hore 9:00 saac, 24 saac Ethopia ayey u baxaan, dhallinyaro ganacsato ah oo dhiiga dadka ka ganacsato ayaa magalaada soo gashay waa Soomaali iyo Ethopian” ayey hadakeed ku gabagabeysay.

Magaalooyinka Soomaaliya gaar ah deegaannada Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa soo gaarayay dadka Oromada ah, kuwaas oo deegaanno ka sameystay mana jirto ilaa iyo hadda cid ku baraarugsan Soomaalida siisocota iyo Oromada soo degaysa deegaannada Baddu ka dhowdahay.