U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu Hogaaminayo oo Gaaray Magaalada Dooxa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa manta gaaray maagalada Dooxa ee dalka Qatar, kadib safar uu kaga soo kicitimay wadan Masar uu ku sugnaa laba maalmood, iga oo kawadahadlay arrimo dhowr ah iyo gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab, wuxuu imaanayaa xilli ay taagan tahya xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee kiiska badda.