U bood dhigaalka

Muqdisho: Isbitaalka Sheekh Zaayid oo Dib loo Howlgeliyay

Sheeko:Caafimaadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah dowladda Soomaaliya, xilli ay kula jirto heshiisyo kale duwan oo dhanka difaaca iyo hormarinta arrimaha bulshada ah, iyadoo Imaaraadka gargaaar ku bixisay abaartii iyo El-neno.