U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Maamulka Wanaagga ee Deeq-Bixiyayaasha

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-gudoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo #FGC,oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay hannaanka dib-u-habeynta Maamul Wanaagga Maaliyadda ee toban kii sano ee la soo dhaafay waxyaabaha u qabsoomay iyo hiigsiga qorshayaasha horumarineed ee Maaliyadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda DFS Md Biixi Imaan Cige oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka Shirka ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam daah-furnaan ay ku dheehan tahay iyadoo la raacayo nidaamkaMaamulkaGuudeeMaaliyaddadalka, waxa uu sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo Dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcineyno dhaqaalaha Soomaaliya.

Kulankaan waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay qaar kamid ah masuuliyiinta Dowladda sida Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, maamulka Sare ee Golaha dhaqaalaha Qaranka, Bangiga Adduunka iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF.