U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “ Gacanna Dowladnimada Ayaan Ku Hormarineynaa, Gacanna Waan Ku Dagaalamaynaa”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu hambaleeyay madaxa cusub ee  ku soo baxay doorashaddii Puntland ka qabsoontay.

Xafladda ayaa  waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galay Ra’iisul Wasaarayaal hore, marti sharaf ka socoto waddamada dariska ah iyo qaar ka mi dha Wakiillada Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortay ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo Janaayo 8, 2024-ka loo doortay hoggaanka shanta sano ee soo socota ee Puntlan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray dhameestir Dastuurka iyo sida ay dowladdiisa muhiim ugu tahay, waxa uu sidoo kale sheegay in aanan loo joojin doonin cid kasta oo ka hortimaada sida uu hadalka u dhigay oo mas’uul ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadlaya Dastuurka ayaa yiri, “Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna. Dastuurkaan hanti Soomaaliyeed ayaa lagu dhameystiri doonaa dibad loo qaadi maayo.”xilli dhowaan la meelmariyay habraaca dib u eegista dastuurka waxkabedelka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in gacan dalka lagu xorreyn doono, gacanna lagu dhameestiri doona Dastuurka oo soo socday muddo ka badan 10 sano, iyada oo dowladihii hore ay ku guuleysan waayeen in ay dhameestiraan oo dowlad walba ay ka gambanaysay marka la eego dastuurka.

“Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake Allah unaxariistee markii uu Ra’iisulwasaaraha ahaa 1964-tii halheystii uu noosheegay muxuu ahaa barigaa?. Gacanna waan ku codeynaynaa oo doorasho ayaan ku galaynaa, gacanna dalka ayaan ku difaaceynaa, maanta maalinteedii ma waana ayna joogin” ayuu yiri Hadalkaan uu ka sheegay Madaxweynaha caleema saarka Saciid Deni ayaa ku soo aadaya xilli labada gole maalnimadii shalay fadhi wada jir ah ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal lagu ansixiyay Habraaca wax ka badalka Dastuurka dalka, waxaana jiray in xildhibaanno aan badneyn ay diideen habraacaasi