U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka Itoobiya oo Is casilay

Ra’isul wasaare kuxigeenka Itoobiya ahaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Demeke Mekonnen ayaa iska casilay Xukuumadda Abiye Axmed taasi oo dhalisay deggaanshiyo la’aan siyaasadeed .

Amxaarada oo dagaal kula jira Oromada iyo xukuumadda ayaa la sheegayaa in 5-tii sano ee tagtay laga dilay in ka badan 10 kun oo rayid ah.

Waxaa la arkayay Muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke kuwaas oo raasaas ridaya, waxaana xusid mudanMaamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay ka soo horjeesteen xukunka Abiy Axmed kadib doorashadii lagu murmay.

Mekonnen, oo sidoo kale ahaa wasiirka arrimaha dibadda, waxaa lagu bedelay Temesgen Tiruneh oo ahaa agaasimaha guud ee sirdoonka iyo nabadsugidda Itoobiya. Tiruneh waa xubin ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda, xiisaddaan ayaa qalalaase xooggan abuurtay.

Ethopia ayaa gashay xaalado hubanti la’aan siyaadaseed ah, tan iyo markii Abiy Axmed uu bilaabay inuu dagaal ku qaado Jabhadaha dalkaas ugu waaweyn ee Amxaarada ee FANO iyo gobolka Tigrey ee TPLF oo sal u ah mashaakilka xukuumadda, Xilli siisadda Soomaaliya ay dhibato iyo caadis calami ah ku abuurtay.