U bood dhigaalka

Galgaduud: Duqeymo laga Fuliyay Galhareeri

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo xooggan oo dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, waxaana duqeyntii labaad ee ka dhacay muddo 4 cisho gudahood, waxaana lala beegsaday xarumo ay lahaayeen Al-shabaab sida lagu sheegay bayaan ay baahisay dowladda dhexe.

Duqeynta ka dhacday Galhareeri, ayaa waxa ay qeyb ka tahay howlgallada lagu dardargelinayo sidii magaaladaan qadiimiga ah looga saari lahaa kooxda oo muddo 15 sano ah gacanta ugu jirta, waxaana duqeyntii hore ee dhacday lagu dilay 30 xubnood, halka la burburiyay xarunta idaacadda Al-shabaab.

“Jab xoogan ayaa maleeshiyada lagu gaarsiiyay weerarkaan oo ay xogtiisa iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka waxaana dhulka lala simay dhamaan goobihii Howlgalka laga fuliyay. Dhawaan ayaa dhulka lala simay idaacad beenaadkii argagixisada” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Goobaha la weeraray ayaa waxa ku jira goobo lagu farsameeyo gawaarida iyo guryo ay deganaayeen xilli dowladdu sheegtay in weerarrada nuucaan ah ay siisocon doonaan sida qoraalka la sii raaciyay” Geerish ay gawaarida ku farsameeyaan, iyo guri ay deganaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda ah”ayaa lagu yiri.

Howlgallada bariga gobolka Galgaduud ayaa maalmihii dambe ahaa kuwa isdabajoog ah, saraakiisha ayaa hore u sheegay in qorshaha ugu weyn uu yahay sidii kooxda looga saari lahaa magaalada Galhareeri oo marin muuhiim ah u ah isku socodka gobolka Galgaduud marka la eego deegananada Bari iyo Waqooyi.