U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wakiillada Dadka Barakacayaasha Muqdisho

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda FS mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliso Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa maanta xarunta hay’adda Qaran ee qaxootiga iyo Brakacayaasha kulan kula qaatay dadka soo barakacay ee ka kala yimid xeryaha barakacayaasha ee gbolka Banaadir, halkaas oo looga wadatashaday muhiimadda uu leeyahay Hindise Shariciyeedka barakacayaasha ee yaala baaralamanka JFS. Hindisaha ayaa ah Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha Qaranka.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa u sheegtay dadka barakacyaasha ah in dowladda u heelan tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed iyo deegaan ee ay lanoolyihiin, sidoo kale waxay ku boorisay soo gudbinta dhibaatooyinka ay wajahaan. Guddoomiye Safiyo ayaa hay’adda iyo shaqaalaheedu ku boorisay xoojinta ay u taagn yihiin xal uraadinta bulishada Somaaliyeed ee tiradooda lagu sheegay 3.7 M barakacayaal ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegtay in colaadaha iyo daadadkii ku dhuftay dalka sanadkii tagay , ay kordhiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay dalka gudihiisa.

Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo ka hadlay kulankaan ay soo qabanqaabisay Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa waxaa dadkii barakacayaasha ahaa ee uu lakulmay lawadaagay Muhiimada Sharciga ilaalinta iyo Taakulaynta Barakacayaasha, kaa oo hada horyaala Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Mudane Axmed Macalin Fiqi wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ayaa dhagaystay haahiyaha dhanka nolasha, deegaanka, caafimaadka, amniga, waxbarashada, iyo nololmaalmeedka dadka barakacay ayaa u balan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay muhiimad wayn siin doonto sidi gar gar deg-deg ah loogu fidin lahaa qoysaska dalka ku baracay, xal waaarana logu heli lahaa