U bood dhigaalka

Guddoonka Goleyaasha Somaliland oo Go’aanka Kasoo Saaray Xeerka Doorashooyinka oo Lagu Soo Celiyay

Golaha Guurtida Somaliland iyo golaha Wakiillada ayaa heshiis ka gaaran muranka xeerka loo marayo doorashooyinka Somaliland, kadib kuland ay wadaqaateen guddoonka labada aqal ee Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Yaasiin Maxamuud Xaaji Faratoon,kaas oo ay dibadjoog ka ahaayeen Warvbaahinta gudaha.

Kulanka kadib labada guddoomiye ayaa si kooban ula hadlay warbaahinta, waxaana ay sheegeen in la gabagabeeyay tabashooyinkii ka jiray xeerka doorashooyinka, kaas oo golaha uu dib ugu soo celiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana markaas kadib bilowday khilaaf xooggan oo ka dhashay.

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Yaasiin Maxamuud oo hadlay “Halkaan waxa sidoo kale nala jooga xildhibaannadii kasoo shaqeeyay waxyaabihii maalmahaan la isku maandhaafsanaa, oo kasoo wadahadlay sidii loo dhameystii lahaa, waxyaabihii goleyaasha dhexyiilay, arrimahaas is-afgarad ayaa laga gaaray”

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo dhankiisa hadlay ayaa xusay in goleyaasha ay dhameysteen wixii khilaaf ah oo jiray, isaga oo ku baaqay in xasiloonida laga shaqeeyo, kadib go’aanka labada gole inuu waxbadan ka badali doono xeerkii dib madaxtooyadu ugu soo celisay.

“Sida odaygu yiri is-afgarad iyo wanaag ayey noogu dhammaatay, Waxaan ku duceynayaa Illaahey inuu sida roon inawaafajiyo, inuu inahago, danaheenna inagu hago, howlaheena sidaas iyo is-afgaradkaas aynu gaarno” ayuu yiri guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan

Go’aanka guddoonka labada gole Guurtida Somaliland iyo golaha Wakiillada ayaa imaanaya xilli uu taagan yahay khilaaf xooggan oo dhanka xeerka doorashooyinka waxaana jira in waxka bedel lagu sameeyay kadib markii madaxtooyada ay dib usoo celisay, golaha wakiillada ayaa hore u soo saaray.