U bood dhigaalka

Howlgal ka dhan ah Shabaab oo lagu burburiyay Keydkooda Hubka

Howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka, Hay’ada Nabad Sugida iyo Saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay deegaanno dhacay gobolka Galgaduud oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidanka dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Howlgalkan oo ahaa duqeymo dhanka cirka ah ayaa kala ah deegaannada Jacar iyo Garab la’ oo katirsan oo hooyimaada degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, hey’adda ayaa sheegtay in howlgalkaan 1-aad lagu burburiyay Xarun keyd hub u ahayd Alshabaab, halka midka 2-aad lagu beegsaday goob Garaash ah.

Howshan ayaa waxaa ay imaanayaan iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay duqeymo dhanka cirka ah ay ka dhacayeen gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, waxaana howlgalladaas lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab iyo xarumo ku yaalla magaalooyinka Galhareeri Buq Aqable oo labada gobol ah.

Taliska xoogga dalka ayaa dhowaan sheegay in la qaadayo howlgallo lagu soo gabagabeynayo wajiga 1-aad ee dagaalka Al-shabaab, xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya uu muddo kadib dib ugu laabtay Dhuusamareeb siu u hoggaamiyo dagaalka kooxda ee ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle.