U bood dhigaalka

NISA oo Hawada Ka Saartay Akoonno Cusub oo Shabaab Ku Lahaayeen Baraha Bulshada

Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maanta shaacisay in si rasmi ah hawada looga saaray 14 Website oo Internet-ka ah, kuwaas oo ay isticmaalayeen Al-shabaab, hey’adda ayaa sidoo kale xustay in shaqadaan ay soo socotay bilihii lasoo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay dagaalka dhanka fikirka ah ee dowladdu kula dagaalamayso Al-shabaab, iyadoo barahaan ay ahaayeen kuwa intooda badan ku hadla afka kooxda sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay NISA.

“Howlgalkaan oo isugu jiray uruurinta mareegaha, baaritaankooda, helidda magacyada milkiilayaasha ku diiwaangashan iyo ugu dambeyntii xiritaankooda ayaa socday bilihii lasoo dhaafay, waxaana lagu guuleystay in hawada laga saaro barahaan oo la diiwaan geliyey sanado kala duwan,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hey’adda Nabad Sirdoonka Qaranka NISA.

Muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda ayaa ku jirtay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee dhanka Internet-ka, waxaana hore dowladdu hawada uga saartay baro ka tirsan kuwa ay ku leeyihiin Facebook iyo Tellagram oo wararka Al-shabaab lagu faafinayay.

Tan iyo markii madaxweyune Xasan Sheekh Maxamuud oo laga joogo in dhow sanad iyo 9 bilood ayaa waxa dowladdu ay ku jirtaa dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo ku saleysan dhinacyada dagaallada Milatari, dhaqaalaha iyo dhinaca fikirka oo qeyb ka ah dagaalka