U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynaha Namibia

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guud ahaan Shacabka iyo dowladda Namibia ee uga tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweyne H.E. Dr. Hage G. Geingob oo goor oo maanta ah ku guuriyaaday Isbitaal ku yaalla caasimadda Windhoek oo 82 sano ku geeriyooday.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin tacsi ah soo dhigay barta uu ku leeyahay X, Twitter” Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Namibia ee uu ka geeriyooday H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia” ayu uku yiri qoraalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Geingob nin u adeegayay dadkiisa muddo dheer dadkiisa reer Namibia iyo qoyskiiasa” “Xiligan adag, waxan garab taagan nahay qoyskiisa, iyo dadka reer Nambia ee u boroorranaya waayitaanka hoggaamiyahoodii waynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Geingob oo ah 82 jir ruug caddaa siyaasadeed, ayaa ka dhex muuqday siyaasadda Nambia tan iyo markii ay xoriyadda qaadatay 1990, waxana muddaba laga daweynayay cudurka Kansarka, gaar ahaan kan ku dhaca qanjirka borostaatada, waxaana ugu dambeyn uu maanta u geeriyooday xanuunkaa.

Hage Geingob ayaa 3 August 1941 waxaa uu ku dhashay gudaha Namibia, waxaana uu yahay rugcadaa dhanka siyaasadda ah, dalkaan ayuu maamulayay tan iyo markii uu qaatay xoriyaddiisa oo laga joogo 34 sano, waxaana lagu amaanay inuu waxbadan ka qabtay dalkiisa mudadaas kooban oo caalamku qirayba.