U bood dhigaalka

Akhriso: Ajandaha Looga Hadlay Kulanka Golaha Wasiirrada Galmudug

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda mudnae Cali Daahir Ciid, waxaana looga hadlay arrimo dhowr.

Ugu horreyn golaha ayaa wasiirka amniga ka dhageystay warbixin la xariirta guud ahaan xaaladda guud ee amniga Galmudug iyo guulaha ciidanka Daraawiishta, xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka gaareen dagaalka ka soconaya deegaannada Galmudug.

Intaas kaddib Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug ayaa aad uga dooday mashaariicda socota iyo kuwa hortabinta iyo mudnaanta u leh bulshada Reer Galmudug, xilli maamulka uu wado qorshaha deegaanna la xooreeyay adeegyada loo gaarsiinayo.

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowlad goboleedkaGalmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa golaha kula dardaarmay dardargelinta qorshaha Dowladda iyo sidii loo taabo galin lahaa adeegyada bulshada ee deegaannada dhowaan lagala wareegay Al-shabaab.