U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Xulka Galmudug Guddoosiiyay Goobkii ay Ku Guileysteen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad Koobka tartankii ciyaaraha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lagu guddoonsiiyay xulka Kubadda cagta Dowlad-goboleedka Galmudug oo ku guuleystay Tartankaas.

Munaasab kooban oo ka dhacday Villa Soomaaliya ayaa waxa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kale badha ciyaarah, waxaana billado kale duwan la guddoonsiiyay Maamullada, Macallimiinta iyo Xiddigaha xulalka Galmudug oo kaalinta koowaad galay iyo Hir-shabeelle oo kaalinta labaad ku guuleystay.

Kooxda Galmuduga ayaa sanadkaan ku guulaysatay tartankii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo sandkaan ka dhacay Stadium Muqdisho, waxaana finalkii isugu yimid kooxaha Galmudug iyo Hirshabeelle ciyaar kusoo dhammaatay goolal la’aan ayaa lagu qaaday rigootooyin.