U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Ka Wadahadleen Madaxweyne Laftagreen iyo Wafdiga Qaramada Midoobay?

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wakiilka Cusub ee UNSOM Deeganada Koonfur Galbeed Dr Mangnus Bjarnason iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiilka Cusub ayaa ka wada hadlay Xoojinta Wadashaqaynta UNSOM iyo Dowladda Koonfur Galbeed, Taageerida Mashaariicda Hormarineed, Amniga, Siyaasada iyo Arimaha Biniadanimada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlaamnka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed nuur Maxamed Macalin iyo La Taliye Sare Cabduqaadir Yaanyuurow.