U bood dhigaalka

Bandhigga Suuqyada Muqdisho oo Caasimadda Laga Daahfuray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Bandhiga 5-aad ee Suuqweynaha Muqdisho, kaasi oo sanadkiiba mar Ganacsatada Gobolka Banaadir ay kusoo bandhigaan xirfadaha wax soo saarka iyo fursadaha Ganacsiga dalka, si bulshada ay u helaan badeecado jaban.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in horumarada ay ku tilaabsaneyso caasimadda ay ka mid tahay soo bandhiggida fursadaha Ganacsi ee dalka ka jira iyo in shaqo abuur ay helaan dhalinyaradda, waxa uuna ku baaqay in la ilaaliyo joogteynta Bandhiga Suuqweynaha Muqdisho oo shan sano jirsaday.

Furitaanka Bandhigaan ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdikariin Gabeyre, Ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.