U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo Ka Hadlay Heshiiska ay La Galeen Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Turkiga Yasar Guler ayaa ka hadlay heshiiska dowladdiisu ay la gashay dalka Soomaaliya ee ku aadan arrimaha difaaca, xilli dalkaas uu safar shaqo ku joogo wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Abdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kulan gaar ah la qaatay Yasar Guler.

Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la xiraaray arrimaha difaaca, xilli dowladda Turkigu ay qeyb ka tahay dowladaha sida dhow u taageera Soomaaliya dhinaca dib u dhiska ciidanka iyo tabaristooda, Turkiga ayaa saldhigga ugu weyn Afrika ku leh Soomaaliya oo sanad kasta ay kasoo baxaan ciidamo badan oo xoogga ka tirsan.

“Soomaaliya, waa saaxib muhiim u ah Turkiga, gaar ahaan danahiisa Afrika, Waxaan yeelanay kullamo wax tar leh oo ku dhacay jawi wanaagsan. Waxay ahaayeen wadahadallo sii xoojinaya xiriirka labada waddan. Waxaan xoogga saarnay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Yasar Guler, wasiirka Gaashandhigga ee Turkiga.

Wasiirrada dufaaca dalalka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa munaasabad ka dhacday saldhig militari oo ku dhow wasaaradda difaaca Turkiga ku kala saxiixday heshiiskaan Khamiistii kadib wadahadallo ay ka yeesheen xaladda gobolka Geeska Africa, faah-faahin dheeri ah lagama bixin heshiiska, iyo waxa uu kaga duwan yahay iskaashigii military ee dhaqaale ee horey uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli gobolka ay ka taagan tahay xiisad u dhaxey dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso teyeynta iyo dhismaha ciidanka circa iyo badda Soomaaliya, kuwaas oo mustaqbalka dhow la filaayo in ay ciidanka Soomaaliya ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka dabayaaqada 2024.