U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Isbitaalka Booqosho Ugu Tagay Saraakiil Ku Dhaawacantay Weerarkii Xerada General Golden

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Hosbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha u dhashay Imaaradka ee galabta ku dhawaacmay weerarkii ka dhacay Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Qoraal kasoo baxay Villa Somaliya ayaa lagu yiri “Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”

Weerarkaan uu fuliyay ruux hubeysay ayaa waxaa dhaawac kaasoo gaaray saraakiil sare oo ka tirsan Imaaradka Carabta iyo Soomaali kuwaas oo ka shaqeynayay xareda, waxaa sidoo kale weerar ku dhaawacnay sarkaal u dhashay dalka Koobfur Afrika oo la shaqeynayay Imaaraadka.