U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Xasan iyo Taliyaha Ciidanka Milaratariga Taliyaaniga?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Kulanka oo uu ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa looga hadlay iskaashiga amni ee labada dal, xoojinta wada shaqeynta, labada dowladood.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo ka socda dalka.